1986 Views

Dowladda Soomaaliya Oo diyaarinaysa Qorshaha bixitaanka AMISOM

Dowladda  Soomaaliya Oo diyaarinaysa Qorshaha bixitaanka AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 31, 2018–Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaarinayso qorshaha ciidamada AMISOM ay kaga baxayaan Gudaha Soomaaliya,islamarkaana guud ahaan Ammaanka Soomaaliya lagu wareejin lahaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya loo xilsaaray in ay diyaariso qorshaha AMISOM ay ku wareejinayso guud ahaan meelaha ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale xusay in ka hor ka bixidda AMISOM in ay muhiim tahay helidda Ciidan Soomaaliyeed oo diyaarsan kuwaasoo amniga dalka oo dhan la wareegi doona.

Waxaa uu xusay in ay waqti dheer ay ka qaadan doonto in ciidamada AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo ku aadan sidii loo horumarin lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan Ammaanka dalka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment