492 Views

Taliyaha ciidamada Booliska Xijaar oo kulan deg deg ah iskugu yeeray Saraakiisha Taliska Booliska

Taliyaha ciidamada Booliska Xijaar oo kulan deg deg ah iskugu yeeray Saraakiisha Taliska Booliska
____________________________________________________________________________

Isniin: September 6, 2021

 Qoraal ka soo baxay Xafiiska Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa lagu amray saraakiisha ammniga Booliska Soomaaliyeed in ay kulan deg deg ah iskugu imadaan.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya dhammaan saraakiisha Booliska, sida taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo dhammaan talisyada kale.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in kulankaan looga hadlayo xaalada Dalka, Waxaana lagu wadaa in looga arinsado Xilka qaadistii Raisal wasaare Rooble uu ku sameeyay Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad yaasiin.

Sidoo kale waxaa la filayaa in taliska booliska uu soo saarayo go’aanno culus oo la xiriira xaaladda taagan iyo amniga guud ee dalka, maadaama ay xiisaddu ka dartay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post