2268 Views

Taliska Ciidamada Booliiska Oo tababar u furay Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada nabad gelyada wadooyinka

Taliska Ciidamada Booliiska Oo  tababar u furay Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada nabad gelyada wadooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho , July 04, 2018 Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta tababar u furay Askar iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, gaar ahaan Ciidanka ilaaladda Nabad gelyada Wadooyinka ee Taraafiko.

Ciidankaan, ayaa muddada Tababarkaan uu socda oo ah Toban maalmood waxay baran Doonaan Casharo horay ay usoo qaateen oo hadda dib loogu celinayo, kuwaasi oo kala ah  Sharciyada Ciidanka Taraafikada, ka hortagga Shilalka gaadiidka iyo fududeynta isu-socodka Gaadiidka kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo tababarkaasi ka hadlay, ayaa u mahad celiyey Taliska Ciidanka AMISOM oo tababarka bixinayo, isaggoo xusay in la kordhin doono tababarada noocaan oo kale ah, si kor loogu qaado aqoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isbadalna loogu sameeyo habka shaqo ee Ciidanka.

“Si kor loogu qaado aqoonta Ciidanka Booliska, ayaa maanta waxaa tababar u furay Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada nabad gelyada wadooyinka ee Taraafiko,waxaan kordhin doonnaa tababarada kala duwan ee Ciidanka ay qaataan, taasi oo aan ku dooneyno in isbadal aan ku sameyno habka shaqo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed” ayuu yiri Gen Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

 

 

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 14

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment