363 Views

Dhul gariir khasaare dhaliyay oo ka dhacay Jasiirada Java ee dalka Indonesia

Dhul gariir khasaare dhaliyay oo ka dhacay Jasiirada Java ee dalka Indonesia
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 21, 2022

Dhul gariir ayaa ku dhuftay Jaziirada Java ee dalka Indonesia, waxaa ku dhintay ugu yaraan 14 qof, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 5.6 ayaa ku dhuftay magaalada Cianjur ee Galbeedka Java, waxaana dhul gariirku uu gaaray 10km (6 mayl), sida lagu sheegay xogta la shaaciyay.

Dhul gariirka ayaa laga dareemay magaalada caasimadda ah ee Jakarta oo qiyaastii 100km u jirta, halkaas oo dadkii ku sugnaa dhismayaal dhaadheer laga saaray.

Saraakiisha ayaa ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto iyo suurtagalnimada dhulgariir ka dib.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur soo gaaray guryaha iyo dukaamada dadka.

Ugu yaraan 300 oo qof ayaa lagu daweynayaya isbitaal ku yaalla Cianjur, Herman Suherman, oo ah sarkaal ka tirsan dowladda oo halkaas ku sugan, ayaa u sheegay kanaalka wararka ee MetroTV.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post