942 Views

Wasiirka Batroolka & Macdanta XFS oo maanta hortagayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka

Wasiirka Batroolka & Macdanta XFS oo maanta hortagayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka
____________________________________________________________________________

Isniin: April 25, 2022\

Maanta waxaa la filayaa in Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka uu hortago Wasiirka Wasaaradda Batroolka & Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, kadib markii afar maalin ka hor looga yeeray Xafiiskaas.

Ujeedka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud loogu yeeray Wasiirka Wasaaradda Batroolka ayaa lagu sheegay si wax looga weydiiyo Heshiiskii dhexmaray Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee DFS iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited, iyadoo warqad kasoo baxday Xeer Ilaalinta lagu faray Wasiirka inuu yimaado Xafiiska Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka Maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 25/4/2022-ka oo maanta ku beegan.

Sidoo kale, war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in Xafiiska uu bilaabayo 26-ka bishaan April baarista heshiis sharci daro ahaa oo ay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya la gashay Shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Coastline Exploration Limited.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa horey u cadeeyay in aysan waxba ka ogeyn heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, iyadoo wasiirka dhankiisa uu sheegay 19-kii bishii February in heshiiska uu amarkiisa ku saxiixay Madaxweynaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post