810 Views

Ammaanka Magaalooyinka Somaliland oo si weyn loo adkeeyay

Ammaanka Magaalooyinka Somaliland oo si weyn loo adkeeyay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 12 2020
—Wararka naga soo gaaraya Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Somaliland ay labadii cisho ee lasoo dhaafay ay wadeen howlgallo lagu xaqiijinayay Ammaanka.

Dadka kunool Magaalooyinkaasi ayaa sheegaya in baaritaanada ay yihiin kuwo aan horay looga baran Ciidanka, islamarkaana heegan buuxa la galiyay oo sidoo kale ay jiraan wadooyin ay xireen.

Ciidanka ayaa sidoo kale dadka qaar weydiinaya aqoonsiga iyo sidoo kale cida ka dabiinta ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan qatar ah oo amni oo ay ogaadeen sirdoonka Somaliland oo sheegayay in weeraro ka dhici karaan Magaalooyinkaasi.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha ugu ammaanka wanaagsan Soomaaliya, waxaana sanadyadii lasoo dhaafay ka jirtay xasilooni dhanka nabadgaliyadda ah oo la isku haleyn karo.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post