1065 Views

Boqorka Jordan oo u digay maamulka Yahuuda

Boqorka Jordan oo u digay maamulka Yahuuda
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 16 2020–Boqorka Jordan ayaa uga digay Yahuuda “khilaaf weyn” haddii ay ku dhaqaaqdo qorsheyaal lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda qaybo badan oo ka mid ah Daanta Galbeed ee la qabsaday.

Wasiirrada arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ay isla gartay in la qaado dadaallo diblomaasiyadeed oo ay isku dayaan in ay meesha ka saaraan tallaabadaas.

Yahuuda waxay balan qaaday inay dib uqabsanayso dhul deegaameysan iyo dooxada Jordan, taas oo horseedi karta dhamaadka geedi socodka nabada ee mudada dheer soo jiitamayey iyada oo gabi ahaanba aan suurta gal ahayn in la dhiso dawlad Falastiin ah.

“Haddii Israa’iil dhab ahaantii ay la wareegto Daanta Galbeed bisha Luulyo, waxay horseedi doontaa khilaaf ballaaran oo lala galo Boqortooyada Hashemite ee Urdun,” ayuu yiri boqor Abdullah.

Raiisel wasaare Benjamin Netanyahu wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo dhow iyadoo la gaarey heshiis lagu soo dhisayo dowlad kadib in kabadan hal sano oo isqabqabsi siyaasadeed yahuuda hareeyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment