921 Views

Musharax Cabdinaasir Shirwac oo ku guuleysatay kursiga Hop#004

Musharax Cabdinaasir Shirwac oo ku guuleysatay kursiga Hop#004
____________________________________________________________________________

Isniin: March 14, 2022

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta ka qaybgalay Munaasabad lagu Xusayay 10 Sano Guurada kasoo wareegtay Markii Turkish Airlines ka shaqo bilowday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka Duraan Axmed Faarax ayaa uga mahad celiyay Madaxda Turkish Airlines Duulimaadyadeeda Soomaaliya, waxaana intaas uu ku daray in ay duulimaadkaan bilaabeen wakhti baahi wayn loo qabay.

Dhanka Kale Wasiir Duraan ayaa sheegay in hawlaha Ganacsiga ee labada dal iyo iskaashigooda uu duulimaadkaan kor u qaadayo.

Madaxa Turkish Airlines ee Soomaaliya ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in wixii ka dambeeya 28 March 2022 ay bilaabayaan duulimaad toos ah oo isku xira Muqdusho iyo Istanbul halka awal uu ku hakan jiray Jabuuti.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post