1098 Views

AFFRICOM:-Majirto taageero aan siino PSF, Balse waa ciidanka ugu awooda badan Puntland.

AFFRICOM:-Majirto taageero aan siino PSF, Balse waa ciidanka ugu awooda badan Puntland.
____________________________________________________________________________


khamiis December 23, 2021

 Taliska Mareykanka ee loo yaqaano AFFICOM, ayaa sheegay in aysan xiriir rasmi ah la lahayn PSF, isla markaana aysan taageero toos ah siin ciidanka PSF.

AFRICOM waxa ay PSF ku tilmaantay in ay yihiin ciidanka ugu awooda badan ee Puntland u qaabilsan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada, ayna ka walaacsan yihiin sida dagaaladu u saameyn karaan awooda PSF ay kula dagaalanto Al Shabaab iyo Daacish.

 “Al-Shabaab iyo Daacish labaduba waxay u arkaan in PSF ay caqabad weyn ku tahay helitaanka dhul iyo dhaqaale ee Puntland, waxayna u badan tahay inay si dhow ula socdaan xaaladda,” afhayeenka AFRICOM Kelly Cahalan ayaa sidaasi u sheegtay VOA-da.

“Waxaan ka walaacsanahay in isku dhacyadani ay hoos u dhigi doonaan awoodaha iyo niyada PSF“ Al Shabaab iyo Daacishna ay ka faa’iidaysan doonaan fursadaan.

PSF ayaa dagaal kula jirtay Al-Shabaab iyo kooxda Daacish oo saldhigyo ku leh booralayda Galgala ee gobolka Barri. Cutubkan ayaa hore taageero uga helay Maraykanka oo la dagaallama dagaalamayaashaan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugidda Soomaaliya oo aqoon u leh hawlgallada Cutubkaan oo codsaday in aan magaciisa la sheegin sababta oo ah looma ogola in uu ka hadlo arrintan.

Sarkaalka ayaa sheegay in taageerada Maraykanka ee PSF la joojiyay sanad ka hor ka dib markii ay diideen qorshe loogu jiray in lagu biiriyo ciidanka Danab, oo ah unug Soomaaliyeed oo caan ah oo ay gacan siiyaan ciidamada Mareykanka.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho kama aysan jawaabin codsi ay VOA u dirtay oo ku saabsan xaaladda taageerada ay siiso PSF. Safaaradda ayaa si kastaba ha ahaatee ku baaqday in la joojiyo dagaalka Boosaaso.

Bishii Oktoobar, Mareykanka ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan taageerada ay siinayaan Danab ka dib markii cutubku uu ka qeyb galay dagaal ka dhacay bartamaha Soomaaliya oo ay kula jireen Ahlu Sunna Wal Jamaaca, oo ah koox diimeed qunyar socod ah, horayna gacan uga geysatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post