3570 Views

XILDHIBAAN XUSEEN IIDOOW & FALKA FOOSHA XUN EE AXMED DOWLO LAGULA KACAY MAXAA ISU KEENAY ?

XILDHIBAAN XUSEEN IIDOOW & FALKA FOOSHA XUN EE AXMED DOWLO LAGULA KACAY MAXAA ISU KEENAY ?
____________________________________________________________________________

FAALLO.

Waxaa beryahaan ka socda baraha bulshada iyo idaacadaha warbaahinta dalka siiba kuwa Muqdisho ka howlgala arin si wayn bulshadu u hadal hayso oo ah dilkii loo geeystay Axmed Dowlo kaasoo ku yimid lammaane qoysaskoodu qilaaf guur ka yimid fal aad looga xumaaday ka dhashay.

Falkaas oo ay warbaahintu ku sheegtay inuu yahay mid aan hore wadanka Soomaaliya uga dhicin, sida muuqata waa arin aad looga xumaado loona baahan yahay in bulshada laga wacyi geliyo dadka Soomaaliyeedna ay ahayd inay dhankaas ka abaaraan halkii lala beegsaday dhanka siyaasadda iyadoo kooxo markii horeba ku mashquulsanaa ku kicinta bulshada dowladda ay durbadiiba bilaabeen inay Banzin ku sii shubaan masiibadaas dhacday.

Waxaa dhacday in maalintii xigtay ee dadku maqleen falkaa foosha xun in reerkii masiibadu ku dhacday ay gurigooda ku booqdeen Xisbiga Wadajir oo wata koox weriyeyaal ah iyo Sawir qaadayaal isku soo sawira reerka sheekooyinkoodana baahiya.

Waxaa iyadana la yaab leh inay falalka noocaan ahi hore uga dhici jireen gobollada Shabeelooyinka iyadoo beelaha Biyamaal & Habargidir ay falal noocaan ah ka dhex dhici jireen iyadoo aysan jirin cid buunbuunisa ama dabagasha, laakiin arintaan lagu sheegay inay tahay arin ay u arkeen Mucaaradku inay ka abaari karaan beesha Raisulwasaaraha Dalku ka soo jeedo oo sida la sheegay ay beel ahaan ka soo jeedo Hooyada dhashay gabadha falkaasi ku kacday( BAL ARINKAAS IS QABADSII).

Waxaa kale oo iyana meesha soo gashay inay noqon karto in beesha Murusade loo ekeeynsiin karo beel denbi ku jirta , iyagoo bartilmaameedsaday Xildhibaan ka soo jeeda beesha Murusade oo la yiraahdo Xildhibaan Xuseen Iidoow oo doodii ugu danbeeysay ee amniga kula dooday Xildhibaan Fiqi oo dood wayn geliyay amniga dalka inuu faraha ka baxay.

Xildhibaan Xuseen Iidoow wuxuu tilmaamay in Xildhibaan Fiqi Xilligii uu Hogaaminayay hay’adda NISA ahaa nin ku fashilmay amniga waayo waxaan tusaale u soo qaadan karaa 04 April 2012 waxaa Agaasimaha NISA ahaa Axmed Macalin Fiqi waxayna ahayd markii weerarka ismiidaaminta ah lagu qaaday National Theaterka halkaas oo uu ku sugnaa Raisulwasaarihii dowladii ugu danbaysay ee Ku meelgaarka ahayd Cabdiweli Gaas.

Qaraxaas waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay rag bulshada Soomaaliyeed caan ka ahaa, Wasiiro & Weriyeyaal intaba lahaa, waxaan ka soo qaadan karnaa raggi ku dhintay:

1- Siciid Mugaambo oo ahaa gudoomiyaha Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed.
2- Aadam Xaaji Yabarow Wiish oo ka tirsanaa Guddiga Olybikada Soomaaliyeed.
3- Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud oo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya.
4- Faysal Xaaji Cilmi la taliyihii Raisulwasaare Gaas.

Waxaa iyana ku dhaawacmay rag ay ka mid ahaayeen;

1- Wasiirkii Qorsheeynta Cabdullaahi Goodax Barre
2- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa
3- Cabdi Xaaji Goobdoon(AUN)
4- Abwaan Axmadeey Cabdi Gaashaan.
5- Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur ( Siidii).

Hadaba weerarka lagu qaaday Xildhibaan Xuseen Iidoow oo uu warbaahinta ka cadeeyay maanta in warar been abuur ah laga sameeyay wuxuu salka ku hayaa kooxo dhibsaday inuu tilmaamo fashilkii ku yimid ha’addii uu hogaaminayay Xildhibaan Fiqi oo kaliftay in xilka looga qaado.

Waxaan Soomaalida u sheegayaa in denbi shaqsi galay uusan ahayn mid u baahan in siyaasad laga dhex raadiyo laakiin uu u baahan yahay in hay’adaha ku shaqada leh loo daayo, mana jiro caqli saamaxaya in lala duubto fal noocaan ah, mana jiro reer denbi gala laakiin waxaa jirta in shaqsi ama kooxi denbi yar ama mid foolxunba fuliso, haduu reer dhan denbi isku raaci karo ma u maleeynayo in maanta Soomaali isu imaan lahayd.

Waxaa Qoray: Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment