1212 Views

-Senator ka digey in Galmudug loo doorto Madax Mucaarad ah

-Senator ka digey in Galmudug loo doorto Madax Mucaarad ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 14, 2020—Sanoter Yuusuf Geelle Ugaas oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa waxaa uu ka digey in Mamaulka Galmudug loo doorto Siyaasi mucaarad ku ah Dowladda Soomaaliya.

 

Senator-ka oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in Galmudug dib u dhac badan uu ka jiro,isla markaana Xildhibaannada Aqalka Sare ay fursad u waayeen sida ay uga Shaqeeyaan Galmudug gacantana ugu jirtay Madaxweyne Mucaarad ah.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waqti badan geliyaan sidii lagu heli lahaa Galmudug mideysan oo la Shaqeeysa dowladda,isla markaana ay iyaga fursad u heleen inay ka Shaqeeyaan.

 

Ugu dambeyn waxaa u sheegay in haatan Galmudug ay joogto meel wanaagsan,waxaana uu Xildhibaannada Galmudug ugu baaqay inaysan dooran siyaasi mucaarad ah,balse ay doortaan Madaxweyne dowladda la Shaqeyn kara.

 

Hadalkaan ayaa Sanoter Yuusuf Geelle Ugaas waxaa uu ka sheegay munaasabad uu xalay Magaalada dhuusamareeb ku qabsaday mid kamid ah musharixiinta Gudoonka Baarlamaanka Galmudug.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment