729 Views

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray gobolka Gedo

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 28, 2021—Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda  xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa ay Maanta gaareen degmada Dooloow ee gobolka Gedo, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ah, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Warfaafinta iyo saraakiil ciidan, waxaana ay halkaasi kula kulmeen Maamulka degmada Doolow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmadaas.

Intaasi kadib Wafdiga ayaa u gudbay dhinaca degmada Beled-Xaawo ee gobolka gedo, iyaga oo halkaasi u tegaya qiimeynta khasaaraha gaaray shacabka, halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Beled-Xaawo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayay la kulmi doonaan, iyaga oo sidoo kale booqan doona saldhigyada Ciidamada dowladda ee degmadaasi Beled-Xaawo.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post