417 Views

Qoyska haweney Mareykan ah oo lagu eedeeyey in ay hoggaamiso koox ka tirsan IS oo qorsheynaysay shirqool weeraro ka dhaca ciidda Mareykanka

Qoyska haweney Mareykan ah oo lagu eedeeyey in ay hoggaamiso koox ka tirsan IS oo qorsheynaysay shirqool weeraro ka dhaca ciidda Mareykanka
____________________________________________________________________________

isniin: February 7, 2022

Qoyska haweney Mareykan ah oo lagu eedeeyey in ay hoggaamiso koox ka tirsan IS oo qorsheynaysay shirqool weeraro ka dhaca ciidda Mareykanka Ayay qoyskeeda waxay iska dideen in ay wax xiriir la sameeyaan iyadoo loo heysto dambiyo federaali ah oo argagixiso la xiriira .

Garyaqaanada ayaa u sheegay Alisson Fluke-Ekren Isniinta maanta ah in inta badan qoyskeeda ay codsadeen in la mamnuuco in ay la so hadasho ama ay xiriir la sameyso.

Fluke Ekren oo 42 jir ah ayaa lag u eedeeyey in ay haween iyo carruur u tababareysay in ay isticmaalaan hubka iyagoo jooga dalka Siiriya waxayna wajaheysaa muddo 20 sano oo xarig ah .

Saraakiisha ayaa sheegay in haweeneydan oo horay u deganeyd magaalada Kansas ay aheyd hoggaamiyaha koox la magac baxday Khatiba Nusaybah oo ah guuto haween kaliya ka kooban oo saldhig ku meel gaar ah ku leh magaalada Raqa oo ku taalla Siiriya .

Waxaa kale oo lagu eeedeynayaa in ay howlo muhim ah ka haysay IS oo aheyd macalimad haweenka iyo carruurta barto isticmaalka hubka sida AK47 iyo qaabka loo sameeyo qaraxyada ismiidaaminta ah.

Intaa waxaa dheer in maamulayaasha ay sheegeen in haweneydaa ay tababareysay dad fuliya weeraro ka dhaca jaamacado ku yaalla dalka Mareykanka gudihiisa . .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post