588 Views

Mulaxamiistihii weynaa Cabdikarin Faarax Jiir oo Muqdisho ku geeriyooday

Mulaxamiistihii weynaa Cabdikarin Faarax Jiir oo Muqdisho ku geeriyooday
____________________________________________________________________________


axad: February 13, 2022

Allaha u naxariistee Mullaxamiistihii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdikarin Faarax Qaaray, oo loo yiqiinay Cabdikariin Jiir ayaa saaka barqadii ku geeriyooday isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho, kadib maalmo uu xanuun la jiifay isbitaalkaasi.

Allaha u naxariistee Jiir, waxa uu ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug sannadkii 1943 kii, wuxuna fankiisa ka bilaabay Muqdisho bilowgii lixdamaadkii ee qarnigii hore sida uu wareysiyo hore ku bixiyay.

Cabdikariin Jiir ayaa waxaa uu ahaa Odey Soomaaliyeed iyo Mulaxamiiste cajiib ah, waxaana ka mid ah Heesaha uu laxanka saaray heesta Beledweyn ee Samatar qaado.

Sidoo kale wuxuu kaalin weyn kasoo qaatay Fankii Bariisamaadka, gaar ahaan xilligii uu dhisnaa Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post