684 Views

Wasaaradda Arrimaha Dibbada Turkiga oo shegtay in Qaraxii shalay uu u dhintay mar kale Muwaadiniin Turki ah..

Wasaaradda Arrimaha Dibbada  Turkiga oo shegtay in  Qaraxii shalay uu u dhintay mar kale Muwaadiniin Turki ah..
____________________________________________________________________________

Axad January 3, 2021

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho ee lala eegtay Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska Haramcad iyo Injineero Turki ah ayaa kordhay.

Wasaaradda Arrimaha Dibbada dowladda Turkiga ayaa mar kale ka hadashay Qaraxii lala eegtay Muwaadiniin Turki ah oo dhisayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ay xaqiijiyeen in laba muwaadin ay uga geeriyoodeen Qaraxaas.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa tacsi u diray qoyskaskii ay geeriyoodeen Muwaadiniin ku dhintay qaraxii duleedka Muqdisho, isagoo qoysaska kala hadlay Telefashinka dalkaas, iyadoo dalka ka dhoofin doono Meydadka Muwaadinintaas.

Dhinaca kale Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa xaqiijiyay in qaraxii lala beegsaday Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya iyo Injineerada Turkiga ahaa ay ku dhaawacmeen 14 qof oo afar kamid ah yihiin Turki, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku booqday isbitaalka Erdogan dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Al-shabaab  ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay in qaraxaas uu fuliyay qof isa-soo miidaamiyay, ayna ku dileen Sarkaal ka tirsanaa shaqaalaha Turkiga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post