513 Views

Cumar cabdirashiid oo Si kulul uga Hadlay Doorashada Dalka kasocota

Cumar cabdirashiid oo Si kulul uga Hadlay Doorashada Dalka kasocota
____________________________________________________________________________


khamiis: March 3, 2022

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee weli ka socda gudaha dalka.

Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in waxa socda aan la dhihi karin doorasho, wuxuuna ku tilmaamay xulusho ay sameynayaan dadka mas’uulka ka ah doorashada.

Sidoo kale wuxuu xusay in aysan eed la aheyn xildhibaanada soo baxay, marka laga reebo tiro kooban oo uu sheegay in loo heesto dambiyo kala duwan, sida uu hadalka u dhigay.

”Horta dadka doorashada kusoo baxay waa dad waqti badan dalka soo joogay oo xaaladda la socda eedna kuma lahan in kursiga loo boobay ee kii u boobay ayaa loo heystaa, waxaa jira dad eedo kala duwan loo heysto oo Baarlamaanka ku jira waase kooban yihiin,” ayuu yiri.

Siyaasiga Cumar Cabdirashiid ayaa eeda dhabarka u saaray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada oo ku eedeeyey inay boobeen kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post