1236 Views

SAWIRO: RW Rooble oo gaaray Masar

SAWIRO: RW Rooble oo gaaray Masar
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 16, 2021 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Masar  Moustafa Madbouly iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaa.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Alsiisi.

Ra’iisul Wasaaraha oo safarkiisa ay ku weheliyaan xubno katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Masar inta uu joogo Qaahira.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post