867 Views

Golaha Ammaanka ee QM oo shir ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee QM oo shir ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 12, 2021 —Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo khamiis Gelinka dambe ay isugu yimaadaan shir ay ugu hadlayaan xaaladaha kajira xilligaan dalka  Soomaaliya & waxa u baahan in wax laga qabto si looga gudbo.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa arrimaha dorashooyinka Soomaaliya oo qaarkood billowday, dhaqaalaha ku baxaya iyo sidoo kale arrimo ay kamid yihiin fatahaadaha.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira ayaa warbixin siin doona Xubnaha  shirka.

Wakiilada Qaramada Midoobay ee shirka ka qeyb geli doona oo dhankooda khudbad ka jeedin doona ayaa ka hadli doona balan qaadyo ay u sameyn doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si dowladda looga taageero dhinacyada amniga iyo doorashooyinka.

Kulanka Golaha Ammaanka ee QM ay Maanta ka yeelanayaan xaaladda Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Soomaliya ay ka billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare, basle ay jiraan caqabado kale oo u baahan in wax laga qabto.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post