324 Views

Somaliland: Xisbiyada Mucaaradka oo Guddi u magacaabay khasaarihii bannaanbaxa

Somaliland: Xisbiyada Mucaaradka oo Guddi u magacaabay khasaarihii bannaanbaxa
____________________________________________________________________________

Axad:AUGUST 14, 2022

Xisbiyada mucaaradka Waddani iyo UCID ee Somaliland ayaa si wada jir ah u Magacaabay Guddi ka kooban Sagaal Xubnood, kuwaas oo baaritaano ku sameeynaya dhibaatadii ka dhalatay dibadbixii rabshadaha watay ee 11kii bishan ka dhacay Magaalooyinka Somaliland.

Guddi ka kooban sagaalka xubnood ayaa u badan Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland ee axsaabtaan Mucaaradka kasoo jeeda.

Qoraalka ka soo baxay Axsaabta Mucaaradka ee Waddani & UCID ayaa lagu muujiyay in Guddiga uu soo gudbin doonno dhammaan khasaarihii ka dhashay is hor istaagga ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi kala hortagay bannaanbaxa.

Xubnaha Guddiga ee la magacaabay ayaa kala ah:

1: Xildhibaan Siciid Maxamed Ismaaciil (Sokeeye)

2: Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun

3: Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir Mooge

4 Xildhibaan Axmed Khaliif Jaamac Saalax

5: Maxamuud Aadan Jaamac Galaal

6 Marwo Aamina Cilmi Fariid

7: Mudane Yoonis Axmed Yoonis

8: Xildhibaan Siciid Cabdisamad Axmed

9: Garyaqaan Maxamed Saalax Cige

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post