1416 Views

Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 16  2020–Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa dadka ku nool degmadaasi Yaaqshiid.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdikaafi Aweys Maxamed ayaa waxaa wararka qaar ee la helayo ay sheegayaan in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay ahaayeen Burcad dooneysay inay dhacaan,isla markaana ay goobta ka baxsadeen.

Qaar kamid ah Ehellada Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay iyo Ciidamo Boolis ah ayaa goobta tegay, iyaga oo halkaasi ka qaaday Meydka si loo Aaso.

Wiilka Dhalinyarada ahaa ee la dilay ayaa dad yaqaanay waxaa ay sheegeen in uu kamid ahaa arday barata Culuumta Caafimaadka mid ka mid ah jamaacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post