924 Views

Madaxda ugu sareysa Dowladda oo tagaya Gobolka Gedo

Madaxda ugu sareysa Dowladda oo tagaya Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegeen in maalmaha soo socdo la filayo in degmooyin ka tirsan Gobolkaas ay tagaan Xubno uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa sheegay in Gobolka Gedo ay imaan doonaan Madaxda Ugu sareysa Dowladda sida Madaxweynaha ama Ras’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga.

 

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay ilgaar ah ku heyso Gobolka Gedo,kadib cabasho kasoo gaartey Shacabka,isla markaana Ciidamada ay Dowladda Keentay Gobolka Gedo ay yihiin kuwo ilaalinaya Amniga Xaduudaha.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment