396 Views

Rag iyo dumar isku magaalo kunool luqado u kala gaarana ku kala hadla

Rag iyo dumar isku magaalo kunool luqado u kala gaarana ku kala hadla
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 27, 2022

Xawsadu ayaa waxay ku maah maahaan “Hal Ilaah, iyo magaalooyinka kala duwan”, iyagoo taa u sababaynaya, quruumaha kala duwan ee adduunka, iyo sida ay ugu hadlaan hal luqad oo u dhexeeya ragga iyo dumarka, taasoo maalin waliba lagu sheekeysto la iskuna dhexgalo, magaalada Ubang ee gobolka maamulka Obudu ee gobolka Kuros Riba, ee koonfurta ee Nigeria arrintaas sidaas waa ka duwan yahay.

Dadka reer Ubang, ayaa waxay adeegsadaan laba af, oo kala ah, afka ragga oo gaar u ah, iyo afka dumarka, oo iyaga u gaar ah, wayna kala duwan yihiin.

Beesha Ubang, sida bulshooyinka kale, ayaa waxay leedahay caadooyin iyo qiyam u gaar ah, oo ka duwan bulshooyinka kale ee dalka Nigeria.

Balse arrinta ugu yaabka badan, ayaa ah labada luqadood ee ay sida gaarka ah u kala adeegsadaan dumarka iyo ragga.

Chief Osang Isaiah, oo deggan magaalada Ukwerisen ee gobolka Ubang, ayaa u sheegay weriyaha BBC-da eee Abdussalam Ibrahim Ahmed, oo safar ku tagay magaalada, in labada luqadood ee laga isticmaalo magaaladooda ay yihiin Jiye-Ban-Chiye, oo ay tahay tan ay isticmaalaan. ragga, iyo Jiye-Ban Yiye, oo ah tan dumarka ay isticmaalaan.

Amiirku waxa uu sheegay in labada af ee ay kala isticmaalayaan labadan qeyb​​ay tahay hibo Eebbe ugu deeqay, oo lagu kala saaro ragga iyo dumarka.

Chief Osang Isaiah ayaa yiri, “Taariikh ahaan, dadka Uban,g waxay leeyihiin farac tixan illaa iyo abuuristii aadanaha, faraca dadka Ubang waxay ka yimaadeen meel la yiraahdo Agbutan.

Amiirka ayaa yiri, haddii aad wiilal iyo gabdho dhasho marka ay yaryar yihiin, ayaa luqadda ay ku hadli doonaan loo kala soocayaa, marka qolo waliba keeda ayey raaceysaa, marka ay korayaan wiilasha iyo gabdhaha.

  •  

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post