534 Views

Khasaare ka dhashay dagaal ka dhacay Galguduud

Khasaare ka dhashay dagaal ka dhacay Galguduud
____________________________________________________________________________


Talaado: February 1, 2022

Wararka ka imaanaya degmada Balanbale ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal dhaliyay khasaare kala duwan oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Hiraale oo Galbeed ka xiga degmada Balanballe waxaana uu u dhaxeeyay maleeshiyo ka kala tirsan laba beel oo halkaasi wada dega.

Inta xaqiijiyay dagaalka waxaa ku geeriyooday lix ruux oo ka kala tirsan dhinacyada dagaalamay, halka ay ku dhaawacmeen sideed ruux.

Ma ahan markii u horreeysay ee uu dagaalka ka dhaco deegaanka Hiraale, dagaalada u dhaxeeya beelahan walaalaha ka dhaca deeganada u dhaxeeya Gurceel iyo Balanballe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post