1971 Views

Sawirro:-Dowladda Somalia Oo Daawo Gaarsiisay Dadkii Ku Dhaawacmay Qarixii Baydhabo

Sawirro:-Dowladda Somalia Oo Daawo Gaarsiisay Dadkii Ku Dhaawacmay Qarixii Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 14, 2018 —Magaalada Baydhabo  ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Maanta gaaray Wafdi xildhibaano ah oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xildhibaanadan ka tirsan Golaha Shacabka ee gaaray Baydhabo ayaa deeq Daawo ah gaarsiiyay Cisbitaaladda ku yaalla Magaaladaasi,si loogu daaweyo dadkii Shalay ku dhawacmay qaraxii ka dhacay Baydhabo.

Isbitaallada ku yaala gudaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa shalay la gaarsiiyay dadkii ku dhaawacmay labo qarax xoogan,kuwaasi oo lagu weeraray Maqaaxi oo ay fadhigeen Dad Shacab ,isla markaana waxyeelo ay kasoo gaartay Qaraxyadaasi..

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee qaraxyadii Magaalada Baydhabo.

Qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 22 ruux,halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 32 ruux,kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad Shacabka.

1 2 3

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment