1092 Views

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo Garowe ka bilawday tallalka dabeysha

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo Garowe ka bilawday tallalka dabeysha
____________________________________________________________________________

Sabti: October 16, 2021

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta degmada Garowe ka bilwday Olalaha Tallaalka dabeysha oo socon doona 16th ilaa 20 th Oct,2021

Maamulka caafimaadka heer gobol iyo saraakiil ka socotay xarunta dhexe, gaar ahaan qaybta tallaalada ayaa ka qaybgalay waxaa sidoo kale joogay saraakiil ka socota hay’adda bahwadaagta ee WHO iyo UNICEF.

Agaasimaha Waaxda caafimaadka asaasiga ah ahna ku-simaha agaasimaha guud Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi oo furay ayaa kula dardaarmay xirfadlayasha caafimaadka ee ka shaqaynaya inay ku dadalaan sidii ay talaalka u gaarsiin lahaayeen bulshada, isla markaana sida ugu wanagsana looga faa’iidayn lahaa.

Tallaalka ayaa maalmaha uu socon doono waxaa ka qaybgali doono kooxo kala duwan oo xaafadaha ugu tagi doona waalidiinta si ay tallalka ugaarsiiyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post