1956 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wefdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wefdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 4, 2018  – Ra”iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay  shir Caalami ah uga qeyb galeen magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Shirka oo ay ka qeyb geleen qaar kamid ah madaxda dowladaha taageera Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlay ammaanka Soomaaliya, tayeynta ciidanka iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka dalka ugala wareegi karaan ciidanka AMISOM.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi, oo kamid ahaa masuuliyiinta shirkaas ka qeyb-galay ayaa waxa uu sheegay in shirka looga hadlay guud ahaan hanaanka amaanka dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray dhismaha Ciidanka difaaca dalka si amaanka dalka ay ula wareegaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale intii uu socdaalkiisa ku guda jiray waxaa uu shir kusoo xiray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, shirkaas oo u dhaxeeyey ganacsatada dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment