990 Views

Baadigoobka loogu jiro ragga Shiinaha u dhashay oo ka badbaaday markabkii Titanic

Baadigoobka loogu jiro ragga Shiinaha u dhashay oo ka badbaaday markabkii Titanic
____________________________________________________________________________

April 19-2021

Markabkan rakaabka ahaa oo noociisu ahaa kuwa raxaada lagana leeyahay Britain, ayaa ku quusay Badweynta Atlaantikada, bishii April 1912, kumannaan qof ayaa ku daatay biyaha badda oo aad u qaboobaa.

Keliya mid ka mid ah doomaha badbaadada ee ka baxsaday markabka quusay ayaa soo laabatay si ay u raadiso dadkii badbaaday. Mugdiga dhexdii, ayay samatabixiyeyaashu ka heleen nin Shiinaha u dhashay oo dhalinyaro ahaa, kaas oo ku dheggannaa albaab alwaax ah. Aad ayuu u qarqarayay, wuuna gariirayay.

Ninkaasi wuxuu ahaa Fang Lang, oo ka mid ahaa lix nin oo Shiinees a oo ka badbaaday dhacdadii Titanic, badbaadintiisana waxay dhiirrigelisay in la sameeyo filinkii caanka ahaa ee Titanic ee shirkadda Hollywood ay sameysay sanadkii 1997.

Badbaadadoodii cajiibka ahayd ma ahayn dhammaadka sheekadooda.

Muddo 24 saacadood gudahood, markii ay yimaadeen xarunta socdaalka ee Ellis Island, New York, waxaa laga cayriyay dalka, sababo la xiriiray Sharciga Ka Saaridda Shiinaha, oo ahaa sharci dood dhaliyay kaas oo mamnuucayay in muhaajiriinta Shiineeska ah ay galaan Mareykanka.

Lixda nin way ka baxeen taariikhda – Ilaa hadda. Filim laga sameeyay ayaa dhowaan laga bahiyay gudaha Shiinaha. Filimkan oo lagu magacaabo Lixda, ayaa iftiiminaya noloshoodii, 109 sano kaddib dhacdadaas.

Wuxuu filimku daaha ka qaadayaa sheekooyin ka baxsan Titanic, oo ah sheeko lagu qaabeeyay isir sooca iyo siyaasadda ka dhanka ah socdaalka, taas oo xilligan soo cusboonaatay, kaddib tacaddiyadii ka dhanka ahaa Aasiyaanka ee dhowaan ka dhacay Mareykanka.

Yay ahaayeen lixdii nin ee Shiinaha u dhashay ee badbaaday?

Raggaas waxaa lagu sheegay in ay kala ahaayeen Lee Bing, Fang Lang, Chang Chip, Ah Lam, Chung Foo iyo Ling Hee. Waxaa la rumeysan yahay in ay ahaayeen naaquudayaal shaqo ugu socday dalalka Caribbean-ka.

“Maaddaama ay ahaayeen koox isla socotay, lama aqoon,” Arthur Jones, oo ah filim sameeye Britain u dhashay iyo agaasimaha filimka Lixda, ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.

Magacyada raggii Shiineeska ahaa ee badbaaday ayaa ku jiray liiska rakaabka markabka, wararka lagu soo qaatay quusiddii Titanic ayaana si kooban loogu magac dhabay.

Balse si ka duwan dadkii kale ee ka badbaaday Titanic ee warbaahinta ka helay ammaanta, ragga Shiineeska ah waa laga saaray taariikhdaas sababo la xiriiray xanaaqii ka dhanka ahaa Shiinaha ee ka jiray dalalka Galbeedka, horraantii Qarnigii 20-aad, sida laga soo xigtay taariikh yahannada iyo baarayaasha.

Warbixin la soo saaray maalmo kaddib quusiddii markabka, tusaale ahaan, Brooklyn Daily Eagle, ayaa dadka Shiinaha ahaa ee badbaaday ugu yeeray “makhluuq” soo raacay doonta oo badbaadaday, waxay ahayd “calaamaddii ugu horreysay ee khatarta”. Waxaa lagu tilmaamay kuwo isku dhejiyay kuraasta gadaashood.

Balse baaritaanka kooxda soo saaridda dukumentariga ayaa muujinaya in arrintaasi aysan run ahayn.

Warbaahinnada kale ayaa xilligaas ku eedeeyay ragga Shiinaha ahaa in ay ku lebisteen dharka haweenka si ay u helaan muhiimadda koowaad ee raacidda doonta badbaada.

Taariikh yahanka Titanic, Tim Maltin ayaa sheegay in aan wax caddeyn ah loo heyn in Raggaas Shiinaha ee badbaaday ay ahaayeen kuwo doonta ku dhex jiray iyo in ay iska dhigeen haween.

“Waa sheekooyin ay soo dhiseen warbaahinta iyo dad kale ka dib dhacdadaas,” ayuu u sheegay BBC-da.

Waxaa laga yaabaa in wararka ku tiri ku teenka ah ay ka bilowdeen takoorka lagu sameeyay ragga ka badbaaday Titanic, iyadoo xilligaas ay dadku aaminsanaayeen in haweenka iyo carruurta la siiyo muhiimadda koowaad ee badbaadada.

Sida uu qabo Mr Maltin, ragga Shiineeska ah waxay isku dayeen in ay caawiyaan dadkii kale ee badbaaday. Fang Lang, oo ah ninka ku dhegay albaabkii sabbeynaya, ayaa markii dambe ku booday doonta badbaadada ee isaga samatabixisay wuxuuna qof walba oo kale ka caawiyay inuu doonta soo raaco.

Maxaa ku dhacay ka dib dhacdadaas?

Markii laga soo tarxiilay Mareykanka, lixda nin waxaa la geeyay Cuba. Waxay ka dib aadeen UK, halkaas oo ay ka jirtay naaquude yaraan, sababo la xiriiray in naaquudeyaal badan oo Britain u dhashay ayaa iska diwana geliyay ciidamada, intii uu socday Dagaalkii Koobaad ee Adduunka.

Chang Chip ayaa aad u xanuunsaday ka dib habeenkaas la badbaadiyay, wuxuuna markii dambe u geeriyooday burukiito, sannadkii 1914. Waxaa lagu aasay qabri aan la calaamadeyn oo ku yaalla London.

Raggii kale ayaa si wadajir ah uga shaqeynayay Britain illaa sanadkii 1920, xilligaa oo UK ay ka soo kabaneysay dagaalka, muhaajiriin nacaybkana aad ayuu u sareeyay.

Kuwo yar oo ka mid ah ragga Shiineeska ah, ayaa UK ku guursaday haween British ah oo carruur ay isuu dhaleen. Balse siyaasadda nacaybka muhaajiriinta ayaa ku qasabtay in ay si aan la ogaan uga baxaan dalka, iyagoo ka tagay qoysaskooda.

“Ma ahayn wax ay iyagu sababeen. Dhammaan qoysaskaas waxaa kala geeyay siyaasad, oo ahayd wax aysan dhabtii xukumi karin,” ayuu yiri Jones.

Ah Lam ayaa loo musaafuriyay Hong Kong, halka Ling Hee uu doon u raacay Kolkata (Calcutta) oo Hindiya ah.

Lee Bing ayaa u haajiray Canada, halka Fang Lang oo muddo uu u dhaxeeyay Britain iyo Hong Kong. Muddo sanado ah ka dibna wuxuu muwaaddin ka noqdya dalkii mar diidmada siiyay ee Mareykanka.

Isbarbar dhigga taariikhda iyo xilliga maanta ah

Tom Fong, oo ah wiilka Fang Lang, wuxuu ku dhashay Milwaukee, Wisconsin – ku dhowaad nus qarni kaddib quusiddii Titanic. Magaca ugu dambeeya ee qoyska ayaa si kala duwan loogu dhawaaqaa luqadda Ingiriiska.

Muddo tobnaan sano ah, waxba kalama uusan socon taariikhda aabbihiis.

“Isaga (Fang Lang) weligiis kama uusna hadlin. Aniga maaha, ugu yaraan hooyadey kalama uusan hadlin,” Mr Fong ayaa sidaa u sheegay BBC-da.

Mr Fang ayaa geeriyooday sannadkii 1985, wuxuuna jiray 90 sano. Keliya 20 sano kaddib geeridiisa, ayuu Fong, qof qoyskiisa ka mid ah ka ogaaday in aabihiis uu ka badbaaday markabkaas.

Fong ayaa qaba in aabbihiis laga yaabo inuu ka qariyay sidii uu uga badbaaday Titanic, sababo la xiriira murugadii iyo takoorkii uu la kulmay.

“Waxaa jiray warar badan oo sheegayay in ay ku dhuumanayeen doonta hoosteeda, iyo in ay sida dumarkii u lebisteen…” ayuu yiri. “Sheekooyinka noocaas ah ayaa la isla dhex marayay xilligaas.”

Markii kooxda baaritaanka ay raad goobeen qaraabada dadkii badbaaday Titanic, qoysaskan raggan Shiinaha ah badankood waxay ka caga jiideen in ay ka warramaan sheekooyinka qoysaskooda, sababo la xiriira takoorkii ay xubnaha qoysaskooda la kulmeen qarni kahor.

Isaga (Fang Lang) wuxuu ahaa nin fiican, illaa uu dareemay in lagu takooray isirkiisa,” ayuu yiri Fong.

Iyadoo in ka badan 100 sano laga joogo dhacdadaas, cadowtinnimada ay la kulmeen lixdii Shiineeska ahayd ee badbaaday, waxaa soo kiciyay cunsuriyadda uu xanuunka safmarka ah dabka u huriyay ee lagu hayo dadka Aasiyaanka ah.

Gudaha Mareykanka keliya, waxaa jiray kumannaan kiisas tacaddiyo ah oo bilihii dhowaa laga soo sheegayay.

Fong wuxuu door biday in uu ka war bixiyo sheekada qoyskiisa, isagoo rajeynaya in dadka ay wax ka ogaadaan sheekada dhabta ah ee ku saabsan dadkii Shiinaha u dhashay ee ka badbaaday Titanic.

“Sababtoo ah haddii aadan aqoon taariikhda, iyada ayaa isa soo celineysa,” ayuu yiri Fong.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post