1164 Views

Doorashooyinka Soomaliland Oo Mudo Sand ah Dib Loodhigay

Doorashooyinka Soomaliland Oo Mudo Sand ah Dib Loodhigay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 17, 2018 –Kulan Madaxtooyada Magaalada Hargeysa ku dhexmaray Xubnaha mucaaridka ah ee Somaliland iyo xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa la isku afgartay in dib loo dhigo doorashada Golayaasha degaanka iyo Golaha wakiillada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Hoggaamiyayaasha Xisbiyada Ucid iyo Waddani, Faysal Cali Waraabe iyo C/Raxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro ayey isku raaceen in labada doorasho oo ahayd in la qabto dhamaadka sanadkan hadda dib loo dhigay muddo sanad kale ah.

Waxaa ay isku afgarteen in doorashada Golaha Wakiillada Somaliland iyo kuwa goleyaasha degaanka isku mar la qabto lagana dhigo dhamaadka sanadka soo socda ee 2019ka.

Somaliland ayaa dhowr jeer la kulantay eedeymo la xiriira dib u dhaca doorashooyinka Madaxtinimada iyo Golaha Wakiillada.

Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa ah kuwa ugu muddada dheer oo mar waliba kororsada waqtiga halka wakiillad aay 13 Sano sii marayaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment