819 Views

Madaxweynaha Tunisia oo difaacay talaabooyinka uu ku laalay qaar ka mid ah heyadaha Qaranka Dalkaasi

Madaxweynaha Tunisia oo difaacay talaabooyinka uu ku laalay qaar ka mid ah heyadaha Qaranka Dalkaasi
____________________________________________________________________________

Talaado: july 27 2021

Madaxweynaha dalka Tunisia ayaa difaacay talaabooyinka uu ku laalay qaar ka mid ah heyadaha Qaranka Dalkaasi, xilli lagu eedeynayo inuu sameeyeey afgambi.

Tunisia ayaa wajahaysa qalaalaasihii dimoqraadi ee ugu xumaa toboneeyo sano kadib markii madaxweyne Kais Saied uu eryay xukuumaddii, kala diray baarlamaankii isaga oo taageero ka helaya ciidamada.

Sidoo kale Tallaabadaas ayaa waxaa afgenbi ku tilmaamay xisbiyada ugu waaweyn ee dalkaasi oo ay ku jiraan kuwa Islaamiyiinta, hase yeeshee madaxweyne Kais Saied ayaa ugu baaqay shacabka in ay is dejiyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post