771 Views

Wasiirka arrimaha dibadda Israel Yair Lapid oo xarigga ka jaray safaaradd Isutagga Imaaraadka Carabta

Wasiirka arrimaha dibadda Israel Yair Lapid oo xarigga ka jaray safaaradd Isutagga Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 30 2021

Wasiirka arrimaha dibadda Israel Yair Lapid oo maanta xarigga ka jaray safaaradda cusub ee dalkiisu ku yeelan doono Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu ballaan qaad nabadeed u muujiyay dalkii ay mar cadowga ahaayeen.

“Israel waxay dooneysaa inay nabad kula joogto deriskeeda – dhamaan dariskeeda. Meel aan u soconno ma jirto. Bariga Dhexe waa gurigeena,” ayuu yiri Lapid intii lagu guda jiray xafladii xarigga looga jarayay safaaradooda sida kumeel gaarka ah u shaqeyneysa ee Abu Dhabi.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, booqashada Yair Lapid uu ku joogoo Dubai oo ah mid labada maalmood ah, ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee wasiir ka tirsan xukuumadda Israel uu ku tago waddamada Khaliijka tan iyo markii ay labada dal xiriir wadayeesheen sanadkii hore.

“Waxaan halkan u nimid in aan sii joogno. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan waddamada gobolka inay na aqoonsadaan, una yimaadaan wadahadal” ayuu sii raaciyay wasiirka arrimaha dibadda Israel.

Walwal ay ka qabaan Iran iyo manaafacaad ganacsi ayaa sababtay in Imaaraadka iyo Bahrain ay xiriir caadi ah la yeeshaan Israel sanadkii hore, iyadoo loo marayo waxa loogu yeero “Heshiiskii Abraham” oo uu hirgaliyay maamulkii Mareykanka ee uu madaxweynaha ka ahaa Donald Trump.

Dalalka Sudan iyo Morocco ayaa iyaguna xiriir la sameystay Israel.

Diyaaraddii uu la socday wasiirka arrimaha dibada Israel, Lapid, ayaa soo dhexmartay hawada Sucuudiga, waxaana in kasta oo Riyaad aysan xiriir caadi ah la laheyn Israel ay sanadkii hore hawadeeda u furtay duulimaadyada u kala socda Israel iyo Imaaraadka.

Sida ay sheegtay warbaahinta Falastiin ee WAFA, madaxweynaha Falantiin Maxamuud Cabbaas ayaa ku gacanseyray heshiisyadaas, isagoo ku tilmaamay kuwa dhalanteed ah.

Safaaradda Israel ee Abu Dhabi waxaa joogaa saddex diblomaasi oo keliya iyo madaxa ergada oo la yiraahdo Eitan Na’eh, kaas oo aan weli la xaqiijin inuu yahay safiir buuxa.

Lapid, ayaa Ra’isul Wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu ku ammaanay xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka Carabta, isagoo uga mahadceliyay hirgalinta safaaradooda Imaaradka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post