1323 Views

Macron oo Dusha saartay Mas’uuliyadii Faranca ku lahaa xasuuqii Rwanda

Macron  oo   Dusha saartay Mas’uuliyadii Faranca    ku lahaa  xasuuqii  Rwanda
____________________________________________________________________________

May 28 2021

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, oo booqasho ku jooga wadanka Rwanda ayaa ku dhawaaqay in Faransiisku aqoonsaday doorkii uu ku lahaa mas’uuliyadda xasuuqii Rwanda ee dhacay sanadii 1994, isagoo weydiisanaya dadka reer Rwanda in laga cafiyo doorka waddankiisa ku lahaa xasuuqa,Macron wuxuu sheegay in faransiiska ay waajib ku tahay inuu qirto dhibaatadii ay u gaysateen dadka reer Ruwanda.

Qiyaastii 800,000 oo qowmiyada Tutsiga ah iyo Hutu-ga qunyar socodka ah ayaa waxaa dilay maleeshiyada Hutu 100 maalmood guddahood ah,Xasuuqa ayaa dhamaaday July 1994 ka dib markii Jabhada Rwandan Patriotic Front (RPF), oo uu hogaaminayey Madaxweynaha hada talada haya ee Kagame,qabsadeen.ay qabsadeen xukunka dalka.

Madaxweynaha Rwanda ayaa dhankiisa sheegay in Dadka reer Ruwanda marna iloobi doonin doorkii faransiisku ku lahaa xasuuqa balse ay cafin karaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post