867 Views

la Taliyaha wasiirka arrimaha gudaha ee Ukraine oo sheegaya in wasiirka difaaca ee Ruushka uu wadno xanuun soo wajahay.

la Taliyaha wasiirka arrimaha gudaha ee Ukraine oo  sheegaya in wasiirka difaaca ee Ruushka uu wadno xanuun soo wajahay.
____________________________________________________________________________


Axad: March 27, 2022

Anton Gerashchenko, oo ah la taliyaha wasiirka arrimaha gudaha ee Ukraine, ayaa sheegaya in wasiirka difaaca ee Ruushka uu wadno xanuun soo wajahay.

Sergei Shoigu oo ah wasiirka difaaca ee Ruushka , lama arag 11-kii Maarso, ilaa Khamiistii 24-kii Maarso, markaasi oo uu si kooban uga soo muuqday muuqaal uu Putin sii daayay.

“Shoigu wadne xanuunka waxa uu ku dhacay ka dib eedayn adag oo uu Putin u soo jeediyay in oo ah in uu gabi ahaanba ku guul daraystay duulaankii Ukraine,” ayuu Gerashchenko ku soo qoray Facebook-giisa, isaga oo intaa ku daray in uu haatan “ wasiirka baxnaanin kujiro.

Majirto wax war ah oo Kremlinka ka soo baxay oo la xiriira caafimaadka wasiirka difaaca ee Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post