654 Views

“Caruus baan ahaa, waxaana hortayda lagu dilay xaaskeyga oo xaamilo ahayd

“Caruus baan ahaa, waxaana hortayda lagu dilay xaaskeyga oo xaamilo ahayd
____________________________________________________________________________


Khamiis: September 2, 202

Mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo colaadda ka socota soohdinta u dhaxeysa Soomaalida iyo Canfarta ayaa maanta ka dhacay gobolka Sitti ee deegaanka Somaalida ee dalka Itoobiya.

Dibedbaxyada ayaa lagu dalbanayay in dadkii aaggaa ka soo barakacay lagu celiyo deegaamadoodii, iyagoo si gaar ah u xusayay weerarkii maamulka Canfarta ay kula wareegeen magaalada Garbo Ciise.

Maamulka Canfarta ayaa 24-kii July ee sanadkan weerar kula wareegay magaalada Garbo Ciise. Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo rayid ah, iyadoo dadkaasi ay kamid ahaayeen ku dhawaad afartameyo dumar ah oo qaarkood xaamila ahaa, sida ay noo sheegeen dad barakacayaal ah oo aan dhawaan la kulannay.

Cabdi Xumed Xoosh oo ku guda jiray sanadkii koowaad ee arooskiisa ayaa weerarkaasi ku waayay xaaskiisa oo sidday ilmahoodi ugu horeeyay.

“Aniga caruus baan ahaa, muddo kooban ayaan xaas lahaa marka xaaskayga oo xaamilo ah ayaa hortayda lagu dilay anoo waxba aan ka qaban Karin” ayuu yiri Cabdi Xumed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post