711 Views

Duqaymo alshabaab lagula eegtay deegaanada ka tirsan gobolka Bakool

Duqaymo alshabaab lagula eegtay deegaanada  ka tirsan gobolka Bakool
____________________________________________________________________________

Wararka aan ka heleyno gobolka Bakool waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay dowr deegaan duqeymo ka fuliyeen diyaarado dagaal, kuwaas oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ahaa kuwo isdaba joog ah.

Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah, Abag-beeday, Gobid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bakool, sida uu shaaciyey maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Duqeymahaas ayaa la sheegay in lagu dilay xubno sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, in kastoo aan weli lasoo bandhigin tiro rasmi ah oo lagu dilay duqeymahaas, waxayna Koonfur Galbeed sheegtay inay bilaawdeen dadaalo maamulkaas iyo la howlgalayaasha Soomaaliya ay Al-Shabaab uga sifeynayaan gobolka Bakool oo go’doon ugu jira Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post