804 Views

Galmudug & AMISOM oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Galmudug & AMISOM oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-30-2020–Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxa Midowga Africa ee AMISOM Amb, Francisco Madera, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in labada masuul ay kawada hadleen qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb3 iyo Xiriirka ka dhexeeya AMISOM iyo Galmudug ee ku aadan sugida Amniga.

Ciidamada AMISOM kuwooda Jabuuti iyo Itoobiya ayaa degaannada Galmudug waxaa ay ka jooga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas loo geeyay arrimo ku saabsan doorashadii Galmudug ee dhacday horaantii sanadkan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post