1296 Views

MUQDISHO: Wasiir u geeriyooday cudurka Covid19

MUQDISHO: Wasiir u geeriyooday cudurka Covid19
____________________________________________________________________________

Axad, Abriil 12, 2020 [Qaranimo Online] Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hirshaballe  Khaliif Muumin ayaa goor hore oo saaka la shaaciyey geeridiisa, isaga oo dhowaan uu soo ritay Cudurka Covid 19.

Khaliif Muumin oo ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle  ayaa ka mid ahaa 9 ruux oo maalin ka hor Wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisay in laga helay cudurka Coronavirus.

Wasiirku, wuxuu noqonayaa shaqsigii 2-aad ee cudurkan ugu geeriyooda Muqdîsho.

Dhinaca kale, Wasiirka caafimaadka ee dowladda Federaalka Fowsiya Abiikar Nuur waxay sidoo kale sheegtay in laba kamid ah bukaannada COVID-19 ee lagu baxnaaninayo Isbitaal De-Martini ay xaaladdoodu darantahay ayna u baahanyihiin daryeel dheeraad ah, iyada oo ay suurtagal tahay in tirada dadka uu cudurkaasi soo radinayo ay kororto, maadamaa ay jiraan dad iyaga oo cudurkaasi qaba balse aan isku ogayn ay dad fara badan la kulmeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment