2268 Views

Warakii Udanabeeyey Iyo Qarxyadii Baydhaba Ee Shalay

Warakii Udanabeeyey Iyo Qarxyadii Baydhaba Ee Shalay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 14, 2018 —Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qaraxyadii shalay gelinkii dambe lagu weeraray laba maqaaxi oo ku taalla bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaraxyadan oo ay fuliyeen laba nin oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab, islamarkaana isku soo xiray suumanka qarxa ayaa beegsaday laba maqaaxi oo ay si aad ah u soo camireen dad shacab ah oo halkaasi ku shaaxeynayay.

Khasaaraha dhimashada ka dhalatay ayaa waxa ay gaartay 20 ruux halka ay dhaawacmeen 30 kale, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab aan waxba galabsan sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta Koonfur Galbeed.

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbed Xasan Eelaay ayaa ciidamada ammaanka faray inay galaan feejignaan dheeraad ah, wuxuuna tilmaamay in lagu daba jiro raggii falkan soo qorsheeyay.

“Ciidamada ammaanka waxaan fareynaa inay feejignaan dheeraad ah sameeyaan, waxaan ku daba jirnaa raggii falkan soo maleegay, ummadda magaalada Baydhabo waxaan ka codsaneynaa inay isku gurmadaan, qaraxyadan marna ma hakin doonaan horumarka degaanada Koonfur Galbeed.” ayuu yiri wasiirka amniga Koonfur Galbeed.

Shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxyadii ka dhacay Baydhabo, waxey ku faaneen iney beegsadeen saldhig ciidan iyo hoteel uu leeyahay masuul horey uga tirsanaa dowladda Soomaaliya oo ay magaciisa ku sheegeen Fargeeti oo ka mid ah musharixiinta Koonfur Galbeed.

W/Q:-Bashir Barre 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment