1002 Views

alshabaab oo Saakay Weerar ka gaysatay gudaha Kenya Weeraray Baabuur Badana Gubay

alshabaab oo Saakay Weerar ka gaysatay gudaha Kenya  Weeraray Baabuur Badana Gubay
____________________________________________________________________________

Isniin: January 24, 2022

Ugu yaraan 8 gaari oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa ku gubtay kadib markii rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen goob baabuurta la dhigto oo ay leedahay Shirkadda Dhismaha ee Shiinaha wadada Baragoni – Bodhei ee gobolka Lamu dalka Kenya.

Saraakiisha ayaa sheegay in kooxdan ay rasaas ku fureen goobta aroortii hore ee saaka kadibna dab qabadsiiyeen gawaarida xamuulka qaada.

Gaadiidka xamuulka qaada ayaa ka mid ah kuwa dhisaya wadada isku xirta Lamu Port-Koonfurta Sudan-Itoobiya.

Barnaamijka Waddada LAPSSET waa mashruuca kaabayaasha dhaqaalaha ugu weyn uguna hamiga badan ee isku keena Kenya, Ethiopia iyo South Sudan

Kooxda burcada ah ee weerarka ka dambeeyay ayaa baxsaday wax yar kadib markii la sheegay in falkaasi dhacay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post