744 Views

Weerar Internet oo ku socda Bangiyada iyo wasaaradaha Dalka Ukraine.

Weerar Internet oo ku socda Bangiyada iyo wasaaradaha Dalka Ukraine.
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 23, 2022

Warar degdeg ah oo aan ka helayno Ukraine ayaa sheegaya in weerar internet oo balaaran uu ku socdo Ukraine.

Wasiir u hadlay Ukraine ayaa wakaalada wararka ee Interfax u sheegay in hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin, caafimaadka, amaanka iyo wasaarada arimaha dibadda, uu hawada ka saaray wax ay ugu magac-dareen weerarka DDOS.

Wuxuu intaas ku daray in bangiyo kala duwan uu saameeyay weerarku.

Weerarka DDOS ayaa u jeedkiisu tahay in mareegaha internetka ee Ukraine lagu harqiyo seenyaalo been ah oo culays ka dhigaya in ay u shaqeeyaan sidii hore.

Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay todobaadkaan in ay arkayeen diginiino ah burcad internet oo qorshaynaya in ay weeraro culus ku qaadaan xafiisyada dawladda, bangiyada iyo qaybta difaaca.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post