1017 Views

Duqa Magalada Garoowe” Dad ka yimid Boosaaso ayaa amni darro ka wada Garoowe”

Duqa Magalada Garoowe” Dad ka yimid Boosaaso ayaa amni darro ka wada Garoowe”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-12-2020–Duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa ka hadlay amni darrada maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyada oo dhowr qof magaalada lagu dilay lacag farabadana lagu dhacay.

Axmed Siciid Muuse ayaa sheegay in falalka amni darro ee ka dhacay Magaalada Garoowe ay u sababeynayaan in dadka isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya ay kusoo bateen Gudaha Magaalada Garoowe,kuwaas oo Amni darrada ka qeyb qaadanaya.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Sidoo kale dad kasoo xagaay baxay Magaalada Boosaaso ee yimid Garoowe dad soo raacay oo dambiilayaal ah ay qeyb ka yihiin dadka geysanaya falal amni darro.

Ugu dambeyn Duqa degmada Garoowe ayaa Shacabka Magaalada Garoowe waxaa uu ugu baaqay in aysan ka wel welin falal Amni darro,isla markaana Amniga magaalada uu yahay mid wanaagsan.

Hadalka Duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadkii hore Magaalada Garoowe siyaabo kala duwan loogu dilay laba ruux sidoo kale Koox burcad ah ay lacag farabadan ka dhaceen mid kamid ah Shirkadaha Xawaaladaha ee ka howlgalla Magaalada Garoowe.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post