123 Views

Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga “Waan garab taaganahay ilaalinta madaxbabaanida Soomaaliya ee dhanka badda”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga “Waan garab taaganahay ilaalinta madaxbabaanida Soomaaliya ee dhanka badda”
____________________________________________________________________________

Turkey – Gudoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Nicmaan Kurtulmuş oo ka hadlay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay in Turkigu difaacayo Xuduudaha Soomaaliya, haddii ay Soomaaliya ka codsato iskaashi amni, waxaana hadalka guddoomiyaha uu kusoo aadayaa xilli ay taagan tahay xiisad u dhaxeysa Ethopia iyo Soomaaliya oo ku aadan muranka Badda.

Dowladda Turgiga hoggaamiyaheeda ayaa hore sheegay in ay qaadayaan tallaabo walba ay dowladda Soomaaliya kaga caawinayaan in ay ku diifaacto baddeeda, kadib heshiiskii 1 bisha u dhaxeeyay Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi oo lagu kala saxiixday 20km oo badda ah in laga kireeyay dowladda Ethopia.

“Somalia garab ayaan ku siinaynaa inay ku filaato amaanka Xuduudkeeda,Hadayse naga codsato Soomaalia inaan u ilaalino oo u sugno amaanka Badda,diyaar ayaan u nahay, intay ku filaanayso amaanka xuduudkeeda,iyadoo sharci iyo heshiis loo marayo” ayuu yiri Guddoomiye Nicmaan .

Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray in Turkiga uusan marba aqbali doonin in xadgudubo qaranimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya” “Turkigu Ma aqbalayo in lagu Xadgudbo madaxbannaanida Soomaaliya iyo xuduudaheeda La aqoonsan yahay,Itoobiya Xiriir fiican ayaa naga dhexeeya” ayuu sii raaciyay.

Hadalka guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii dambe la helayay warar ku aadan in dowladda urkiga ciidamo ay usoo dirayso biyaha Soomaaliya si ay tababar iyo qalabeyn u siiyaan ciidanka Badda Soomaaliya, kadib markii laga qaaday cunaqabateynta hubka December 2022.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post