981 Views

Qaramada Midoobay oo sheegtay in Muqdisho ay ka barakaceen maalmihii la soo dhaafay dad gaaraya 100,000

Qaramada Midoobay oo sheegtay in Muqdisho ay ka barakaceen  maalmihii la soo dhaafay dad gaaraya  100,000
____________________________________________________________________________

April 28-2021

Bayaan ka soo baxay xaafiiska Isuduwaha Gargaarka Bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay ka walaacsanyihiin barakaca baahsan ee ka jira Muqdisho.

Waxaa Bayaankan lagu sheegeen in qiyaasata horudhaca ah ay muujineyso inta u dhexeysa 60,000 ila 100,000 oo qof in lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda magaalada Muqdisho kaddib rabshadihii billowday 25-kii April.

Barakacayaashan ayay sheegeen inay ka midyihiin barakacayaal hore oo nugul, kuwaas oo nolol u soo raadsaday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, laakiin mar kale u qaxay meel ka baxsan magaalada.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda ammaanka ee Muqdisho ee sii xumaaneysa” ayuu yiri kusimaha Isuduwaha Gargaarka Bini’aadaminimo ee Soomaaliya Caser Arroyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post