255 Views

Soomaaligii ugu horreeyay ee xildhibaan ka noqda Finland oo wacdaro dhigay

Soomaaligii ugu horreeyay ee xildhibaan ka noqda Finland oo wacdaro dhigay
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 29, 2022

Soomaaligii ugu horreeyay ee xildhibaan ka noqda Finland, Suldaan Saciid Axmed, ayaa hees kaga yaabsaday dadweynihii isugu yimid Bandhigga Toddobaadka Soomaalida ee London.

Wuxuu ka qeybgalayay mid ka mid ah xafladihii ka socday bandhiggan oo sanad walba Bisha Taariikhda Dadka Madow lagu qabto UK.

Xildhibaankan 29 jirka ah, oo sanadkii 2008 ka yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa ka hadlayay muhiimadda uu leeyahay dhaqanka Soomaalida iyo doorka uu u leeyahay qurbojoogta Soomaalida – oo badankood 30-kii sano ee la soo dhaafay dalkooda uga soo hayaamay colaado sokeeye.

Suldaan ayaa dadweynaha u qaaday dhowr heesood oo ay ka mid tahay Soomaaliyeey Toosoo.

Dadweynaha ayaa sacab u raaciyay, halka qaar kalena ay la heesayeen.

“Dhaqankeenna Soomaaliga, fanka iyo aqoontuba aad ayay muhiim noogu yihiin, waxaa loo adeegsan jiray in farriimo lagu gudbiyo,” ayuu yiri xildhibaanka.

Bandhiggan oo galay sanadkii 14-aad, ayaa loogu talogalay in lagu muujiyo kala duwanaanta Soomaalida, iyadoo la adeegsanayo gabay iyo heeso.

Xaflado ayaa sidoo kale lagu qabtaa Bristol iyo Leicester iyadoo dadka ay si fiican u lebisanayaan si ay u dabaaldegaan, halka qaarkoodna ay hiddaha iyo dhaqanka soo xiranayaan.

Bandhigga sanadkan waxaa lagu furay boqollaal buugaag oo badankood fanka Soomaalida ka hadlaya, waxaana ka mid ah mid ay qortay sawir-qaade Nuura Alhuda oo buuggeeda kaga hadashay duurjoogta Somaliland iyo goobaha qaddiimiga ah ee halista ku jira.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post