477 Views

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS Oo kulan la qaatay Danjiraha Dalka Sacuudiga.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS Oo kulan la qaatay Danjiraha Dalka Sacuudiga.
____________________________________________________________________________


Talaado: May 31, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay  danjiraha dalka Sacuudi Arabiya Amb. Ahmed Bin Mohamed Almowallad.

Safiirka oo Guddoomiyaha kala hadlay arrimaha horumarinta Baarlamaanka JFS iyo sidi loo tayeyn-lahaa shaqaalaha, sidoo kale waxaa uu soo gaarsiiyay dhamaal salaan ah uga siday Guddoomiyaha Golaha fadhiga shuyuuqda dalka Sucuudiga, isagoo sheegay  in Guddoonka Golaha shacabka dedaal dheer ku bixiyeen  dhismaha Hay’adda ugu sarreysa ee dalka, kaas oo lagu soo doortay Madaxweynaha JFS.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa safiirka ku bogaadiyay dedaalka joogtada ah ee Boqortooyada Sucuudiga la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post