3594 Views

Shaqaaluhu waa Sharafta Qoyska iyo Qaranka.

Shaqaaluhu  waa Sharafta Qoyska iyo Qaranka.
____________________________________________________________________________

May 1, 2017

 

Shaqaaluhu  waa Sharafta Qoyska iyo Qaranka, waana Tiirka Horumarka iyo Dhaqaalaha.

 

Sida lawada og yahay, kowda May waxaa lagu magacaabay Maalinta SHAQAALAHA, waxaana Aduunyada inteeda  badan laga Xusaa maalintan kowdeeda, iyadoo loo xuso qabab kala duwan, waxaa jira wadamo  aanba laga xusin maalintan iyo wadamo aan laga Xusin kowda bisha, laakiin laga xuso  maalin ka mid ah bisha dhexdeeda.

Hadaba waxaa mudan in la is waydiiyo Goormee ayey bilaabatay Kowda May?, maxaase sababay in loo asteeyo maalinta Shaqaalaha Kowda may? Maxayse maalintan ku soo kordhisay Xuquuda Shaqaalaha?

Kowda May, waxaa dhaliyey, Wadamadii uu kajiray Adoonsiga, ayaa waxay samay jireen wax yaabo badan oo xad gudub ku ah Xuriyada dadka ay gumaystaan ama u shaqeeyo, wadamadaas uu ugu horeeyey dalka Maraykanka, waxayna sameyn jireen in ay waqti dheer ama Saacado badan  ku shaqeeyaan dadka u shaqeeyo, saacadaha shaqada ayaa waxay u dhaxeeyeen 10 ilaa 12 saacadood maalintii, mana jirin waqti ay fasax yihiin.

Marar badan ayaa la isku dayey in la asaaso ururo u dooda Xuquuda Shaqaalaha, waxaana inta badan Hor istaagi jiray Kacdoonadaas dadka MAAL  qabeenada ah, iyagoo taageero ka haysta Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta, iyadoo Maal qabeenada ay si CAD u Hor istaageen  kacdoonadan loogu doodayo Xuquuda Shaqaalaha, waxaana lagu sababeeyey Kacdoonadan in ay  halis ku yihiin kororka  DHAQAALAHA iyo  GANACSIGA DALKA, gaar ahaana  wax soo saarka  Warshadaha.

Caburin iyo Dagaal dheer kadib,  Kacdoonkii ugu xooga badnaa wuxuu ka bilowday dalka Maraykanka 1866-dii, iyadoo dadkii Kacdoonka waday ay la kulmeen Congress-ka  ama Golaha Shacabka  iyo lix Gobol oo ka tirsan Maraykanka 1868-dii, waxaana  Congress-ka  ogoladay in saacadaha shaqada laga dhigo 8 sacadood, laakiin lama fulin go’aankaas, taasina waxay sababtay in ururka u dooda Xuquuqda shaqaalaha la Sameeyo 1884-tii, iyadoo ugu dambeyntii  ururkaas uu ku Dhawaaqay Shaqo Joojin dalka oo dhan ah Kowdii May  1886-dii, maalintaas ayeyna dhalatay kowda may. waqtigaas kadibna waxaa laga abaabulay kacdoono lagu difaacayo Xuquuqda shaqaalaha, wadamo badan oo ay ugu horeyso Canada.

 

Waqtigaas kadib wax badan ayaa iska bedelay dhinaca Xuquuqda Shaqaalaha, gaar ahaan Arimahan.

  • Saacadaha Shaqada.
  • Daryeelka Caafimaadka.
  • Maal maha Shaqada iyo Fasaxyada.
  • Daryeelka Naafada
  • Waqtiga Howlgabka.
  • Hoyga (Guryaha)

Inkastoo arimahan aysan u suuro gelin sidii la rabay waqtigaas, hadana waxay ahaayeen bilow Fiican oo leh meel laga sii tix raaco, wixii waqtigaas ka dambeyeyna marba meel ayey soo joogtay.

Hadaba waxaa is waydiin mudan Shaqaalaha Somaaliyeed Ma helaan Xuquuqda ay Mudan yihiin?, haday noqon lahayd kuwa u shaqeeya Dowlada ama Shirkadaha Gaarka loo leeyahay, waxaana xaqiiq ah in ay jiraan Cabashooyin badan oo ka imaanaya dhinaca Shaqaalaha.

Ugu dambeyn waxaan ku dar daarmayaa in la ilaaliyo Xuquuqda Shaqaalaha, si loo helo wax soo saar muuqda oo wax tar u leh Dadka iyo Dalka.

Shaqaalahana waxaan leeyahay, waa waa jib idin saaran in aad muujisaan daacadnimo iyo Shaqo Hufan, si loo kordhiyo Hurumarka Dhaqaalaha Dadka iyo Dalka.

Wixii Xuquuq ah ee idinka maqana ku raadsada, si Xushmad iyo Aqoon ah, idinkoo la kaashanaya  Caadaalada iyo Sharciga dalk.

Midna ogaada waa mamnuuc in lagu Xad gudbo Xuquuqdiina iyo Xuriyadiina, meel kasta oo aad ka shaqeysaan, kuna dadaala in aad qoraalo ka sameysaan wixii xadgudub ah ee la idinku sameeyo, waayo qoraalka waa marqaatiga ugu fiicaan ee ku caawin karo maalinta aad martida u tahay Sharciga iyo Cadaalada.

 

W/Q  Cumar Farax

Qaranimo-online

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment