330 Views

Soomaaliya oo ka qyeb gashay Shirka Bangiga Adduunka & IMF ee ka dhacay Mareykanka

Soomaaliya oo ka qyeb gashay Shirka Bangiga Adduunka & IMF ee ka dhacay Mareykanka
____________________________________________________________________________

Shirka sanadlaha ah ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ka furmay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, Waxaa shirkaan ka qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Furitaanka shirka kadib, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi M. Nuur ayaa si gaar ah kulamo muhiim u ah oo ku saabsan Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya la qaatay Madaxda Hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Fulinta xafiiska Bangiga Adduunka ee (Africa Group 1) Dr.Floribert Ngaruko oo ay ka wada hadleen arrimaha dib-u-habeynya Maaaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa uu kulan muhiim ah la waatay Madaxweyne ku xigeenka Afrika ee Hey’adda Maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Sérgio Pimenta, waxa ay si gaar ah wada hadlkooda diiradda ugu saareen sidii IFC ay u maalgalin laheyd ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu wasiirku wada xaajood la yeeshay wakiilo ka socda Dowladda Ruushka oo ka mid ah dowladaha Soomaaliya deynta ku leh isla markaana muddooyinkii la soo dhaafay uu u socday wadahadal ku saabsan cafinta deynta Ruushku ku leeyahay Soomaaliya.

Shirka Sanadlaha laha ah ee Guddiga Sare ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa socon doona muddo toddobaad ah, waxaana jiri doono kulamo muhiim ah oo diiradda lagu saari doono xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post