1557 Views

Magaca Ninkii Soomaaliga Ee Weerarka Ka Geystay Australia Oo La Shaaciyey

Magaca Ninkii Soomaaliga Ee Weerarka Ka Geystay Australia Oo La Shaaciyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 10, 2018 —Boliska dalkaasi waxay faahfaahin ka bixiyeen Ninkii Soomaaliga ee shalay lagu dilay magaalladda Melbourne, kadib markii uu tooreey ku dilay hal qof, kuna dhaawacay 2 kale.

Warbaahinta dalkaasi waxay shaaciyeen in ninka Soomaaliga ee dilka geystay lagu magacaabi jirey Xasan Khaliif Shire Cali oo 30-jir ah.

Ninkaasi waxaa la sheegay inuu watay gaari dusha ka furan oo uu ka soo buuxiyey Haamaha Gaaska lagu kariyo cuntada, si uu weerar kale ugu geysto sida ay Boliska Australia ku doodeen.

Boliska waxay Marxuumka ka toogteen laabta, wuxuuna dhaawac ahaan ugu geeriyooday Isbitaalka

Marxuumka oo sannadihii 1990-aadkii tegay dalkaasi waxaa la sheegay inay Hay’adaha Ammaanka isha ku hayeen, iyadoo Baasaboorkiisa Australian-ka laga kansal gareeyey sannadkii 2015-kii, xilli uu u dhoofi lahaa dalka Syria.

Dhinaca kale, nin ay walaalo yihiin Marxuumkaasi oo lagu magacaabo Cali Khaliif Shire Cali ayaa ku xiran dalka Australia, isagoo ah dacwad-suge ku eedeysan Argagixisaimo.

Dacwadiisa waxaa la dhegeysan doonaa sanadka soo socda ee 2019-ka, sida laga soo xigtay Hay’adaha Garsoorka ee Australia.

WQ: Ustaad Axmed Haaji Ugaaska

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment