981 Views

Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya oo “sharci darro” ku tilmaamay xil ka qaadistii maanta.

Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya oo “sharci darro” ku tilmaamay xil ka qaadistii maanta.
____________________________________________________________________________

Axad: December 19, 2021

Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka Soomaaliya, Xuseen Maxamed Maxamuud Laki, ayaa ku gacan sayray xilka qaadistii uu Ra’iisal wasaare Rooble ee xubno ka mid ah guddigaas.

Xuseen Maxamed Maxamuud Laki, ayaa tallaabada Ra’iisal wasaaraha ku timaamay mid sharci darro ah oo uusan xaq u lahayn in uu guddigaas xilka ka qaado.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa BBC-da u sheegay in muddadaanba uu Ra’iisal wasaaruhu ku cadaadinayey in wuxuu rabo loo sameeyo, asagoo sheegay in markii ay iska diideen waxyaabaha qaar sidaas xilkii looga qaaday.

“Waxaan u arkaa go’aan sharci darro ah oo qar iska tuurnimo ah oo aan meelna ka soo gelin habraaca doorashooyinka iyo nidaamka aanu ku shaqaynaynno” ayuu yiri Xuseen Laki.

Gelinkii hore ee maanta ayuu Xuseen Laki sheeegay in dad gaar ahi ay culays saarayaan shaqadii ay hayeen, iyadoo aanan si fiican loogu hoggaansamayn amarradii ka soo baxayey guddigooda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post