1935 Views

Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland oo eedeyn u jeediyey Madaxweynaha iyo xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland

Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland oo eedeyn u jeediyey Madaxweynaha iyo xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 27, 2018 – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka UCID ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe ayaa eedeyn waxa uu u jeediyay Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha Golaha Wakiilada maamulkaas,islamarkaana ku dhaliilay hab siyaasadeedkiisa.

Waxa uu sheegay Faysal Cali Waraabe in si sharci ah aysan ku joogin Golaha Wakiilada Soomaaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,balse sheegay in loo baahan yahay siyaasad mideysan oo ay la yimadaan maamulka Soomaaliland,isagoo aad u dhaliilay Madaxda maamulkaasi.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka UCID ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay “waxaan u baahanahay in Soomaaliland ay tahay mid hal ah oo hal siyaasad mideysan wadada qaadata loona baahan yahay in si xasilooni ah iyo nabadgalyo ay ku waarto” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe

Hadalkan Feysal Cali Waraabe ayaa waxa uu imaanaya xili uu ka soo laabatay Shirkii dhawaan lagu qabtay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka halkaasi uu kulam kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madax kale oo ka qeyb gashay Shirkii Magaalada Brussels.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment