993 Views

Xildhibaano laga soo abaabula Villa Somaliya oo goor dhawayd Fowdo ka bilaabay Hoolka afisiyooni

Xildhibaano laga soo abaabula Villa Somaliya oo goor dhawayd Fowdo ka bilaabay Hoolka afisiyooni
____________________________________________________________________________


Arbaco: April 27, 2022

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helayno ayaa sheegaya in Xildhibaanada labo kutlo oo kala ah kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa NISA ay qorsheynayaan inay fowdo ka bilaaban doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Lama oga sida ay noqon doonto xaalada, hase yeeshe dalabka xildhibaanada labada kutlo ayaa waxaa la rumeysan inay si adag uga hor-imanayaan guddoomiyaha KMG ee Golaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka.

Xildhibaanadaan ayaa ujeedkooda u weyn uu yahay inay fowdo iyo buuq xoog leh ka abuuran gudaha hoolka doorashada, taasi oo ay ku rabaan in lagu baajiyo doorashada illaa hadda ay halkaas ugu sugan yihiin Xildhibaanada.

Qorshahaan ayaa waxaa sidoo kale iftiimiyay Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan (Taliye Shub) oo asagu wacad ku maray inaysan marnaba ogolaan doonin in Xildhibaanada laga soo doortay Ceelwaaq ay ka qeyb-galaan doorashada.

“Xildhibaanka aan ku iman sida aan ku nimid waa diideyna oo soo gali maayo teendhada, Xildhibaankii ku yimid sida aan ku imidna, isku mid ayaa nahay oo waxba isla dooraneyna. Sababta aan u imidna waa sidaas,” ayuu yiri.

Kooxda Farmaajo ayaa wada isku deygii ugu dambeeyay ee ku carqaladeynayaan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, ayada oo laga soo gudbay jid-gooyadii saaka loo dhigay Xildhibaanada.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, waxaana hadda socota qaban-qaabada qabsoomida doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post